in the future - u will be able to do some more stuff here,,,!! like pat catgirl- i mean um yeah... for now u can only see others's posts :c
bal heestaan dhagayso maqaalkana akhriso waxaad ogaaneysaa in abwaanadu mucjiso yihiin
halkaan ka dhagayso heesta
https://youtu.be/6ICxt1RHkqo?si=h15hR...
Sidee saameyn ugu yeelan kartaa
Akhlaaqda iyo dabeecadaha ilmahaaga abuurista ka hor?
Waano abuuris baa ka horeysay!
Maahmaahdaan waxay inoo sheegaysaa in wixii abuurista eersaday aan lagu sixi Karin wax u sheeg iyo waano,
Abuurista Allah ma xumaato waana xakiim Shay kaste meesha ku haboon dhiga wax kastana qadartiisa ayay ku dhacaan laakiin wax kaste sabab ayey leeyihiin oo waxyaabaha nolasheena la xiriira waxaan ku leenahay saameyn togan,
Tusaale diinteenna suuban waxay noo sheegtay in qofka zaaniga ah fakhri iyo foolxumo lagu rido,
Ogow fakhriga iyo foolxumadaas qofka zaaniga ah ku dhacday waa qadar ilaahe, laakiin waxay ku dhacday sababta adoonka xumaataas falay,
Si taas la mid ah samaan iyo xumaan dhacdo kaste oo nolasha qofka saameysa waa mid si toos ah xiriir ula leh Hab dhaqanka iyo falalka qofka, waayo Allah adoomadiisa ma dulmiyo balse wuxuu boqorku noo dhaafaa gafaf badan oo aan kas iyo kam'a labadaba u sameyno ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu dulqaadkiisa nagu maamulo,
Haddaan intaas oga gudba hor dhaca maqaalkayga aan u soo noqdo dulucda,
Waan ogahay in badan oo idinka mid ah inay la yaabantahay cinwaanka aan u soo qaatay maqaalkaan!, Waxaanse isku dayayaa inaan si diini ah iyo si Maadi ahba idiinku qanciyo wax badan oo run ahaantii aan hubo haddii aan sameyno inay dhib la'aan ilmaheenu noqonayaan kuwo aan ku farxno dhaqankooda, macquul maaha adoo tiin'tiin beertey inaad timir goosato,
Mirta Marka la beerayo ayaa lagu dadaalaa tayaynteeda oo la hubiyaa in lagu beeray meel ku haboon iyo wakhti ku haboon,
Waa hubaal in ninka beeraleyda ah Marka uu beertiisa abuurayo inuu waxyaabo badan sameeyo si uu u helo Miro anfaca waayo fursaddu waa ka hor inta uusan beerin wixii markaas ka xumaadana waa habeenkii xalay ahaa ee tagay,
Hadaba aan idin su'aalee kee qaalisan mirtaas iyo qofka bini-aadamka ah?
Masuuliyad intee le'eg ayaa ku saaran marka aad sabab u noqonayso unkamidda qof dhan?
Soo ma haboona inaad soo barato aqoonta beerashada ubad qurux badan oo dhan kaste ka dhamaystiran sida loo barto cilmiga beeraha,
Oo beerashada ubad qurux badan oo wanaagsan ma cilmi la barta?,
Haa, Inshallah cashar kusaabsn mawduucaan si gaara ayaan oga hadli doonaa.
Dadkeena somalidu gaar ahaan kuwii hore ee dhaqanka lahaa waxay lahaayeen waxyaabo ay lixiriiriyaan dhalashada qofka oo ay u arkeen inay saameyn ku yeelan karto nolashiisa,
Kuwo ay u filaan wax fiican iyo kuwo ay qal godaan oo Saad xun u rakaan,
Laakiin kuwaas oo dhan waxay la xiriiriyaan dhalashada qofka waxayna inta badan ka kadsoomeen tan runta ah ee saameynta ku yeelata qofka oo ah waxyaabaha ku xeeran Marka uu Uurka hooyadi galayo, sida farxadda murugta carada walwalka caajiska cabsida dagaalka daganaanshaha, iqb
Tusaale, haddii ilmuhu uur galo aabaha iyo hooyada oo dagaalsan farxad iyo jaceylna uusan meesha ool oo ay sidii diiqii iyo dooradii wax malmaluuqaan ayagoo afka buuraya! Ilma noocee ah ayay dhalayaan,
Waligaa ma aragtay ilma caro badan oo Shar badan laakiin ay dhaleen laba qof oo akhyaar ah oo ma is weydiisay sidee ilmahaan labadiisa waalid oga leexday ,
Hala yaabin habeenkaas ayay weysadu ka jabneyd waalidka oo ayagoo diiqadeysan ayay birinbirqeeyeen,
Waligaa ma aragtay qof ay dhaleen dad aan fiicneyn oo Laga subxaanaleysto laakiin asagu aad u dagan u qabow dun macaan oo soo jiidasho farxad iyo jaceyl leh kulansaday,
Waa kii horay loo yiri awlaad jaceyl dhalay idkoon-kaad ka garataa, waa qof ay kulantay habeenkii farxadda raxmada jaceylka iyo Uurgalkiisu,
Somalida In badan uma fiirsadaan arimaha noocaan ah laakiin waa hubaal in dabeecadaha qofka ay saami weyn ku leedahay dareenka dhexyaal labadiisa waalid iyo nolasha guud ee ku xeeran xiliga Uur-galka,
Oday aan sheeko jeclaa nin wax badan dhaqanka somalida ka yaqaanna ahaa ayaa maalin aniga iyo asaga oo wada fadhina waxaa noo yimid wiil uu dhalay oo aad ugu eg odagu wuxuu ahaa nin qurux ilaah u dhashay laakiin duqdiisa dhankaas laguma amaaneyn, kolkii wiilkii yaraa naga tagay ayaan iri, Axmadow ciyaalkaaga inta kale hooyadood ayey raaceen laakiin kan yarkaa waad ka adkaatay islaantee habeenkaas ma awr baad qalatay?
Intuu qoslay ayuu yiri adeer haddaan lahaan lahaa cilmigaan bartay ka hor intuusan wiilkaan uur-galin dhammaan caruurteydu anay ii ekaan lahaayeen,
Anoo yaaban una soo hanqal taagay cilmiga odagu sheegayo ayaan ku ceshay odaygii, Adeerow ma cilmi ilmahaaga kuu ekaysiin Kara ayaa jira?
Wuxuu yiri, Haa adeer intii uusan kan yar Uurka hooyadi galin ka hor galab ayaa ani iyo saaxiibkay oo meel shaah casariye ah cabayna waxaa noo yimid wiil iyo gabar aan dhalay laakiin hooyadood raacay muuqaalka, Markaas ayuu saaxiibkay I weydiiyay, War Axmadow ciyaalkaan ma adaa dhalay? Haah ayaan iri,
Intuu dhoosha cadeeyay ayuu yiri, waxaan u qabay inaad nin wax u bilaabanyihiin tahay,
War islaanta haddaad rabto inaan ciyaalku kaaga ekaan waa Laga xanaajiyaa habeenka ay ilmo hooyadood tahay, markaas kadib ayaa ayadoon maqsuud ahayn loo juciyaa,
Sidii ayaan sameeyay oo habeenkaas anoon xaajiyadeyda waligay ka xanaajin ayaan indhaha u shitay inkastoon maalmo kadib raali galiyay, Aad ayaan ula yaabay odayga hadalkiisa oo waxaan garan waayay xiriirka ka dhaxeeya xanaaqa islaanta iyo ilmaha aabihi u ekaaday,!
Baaritaan iyo akhris badan oo aan sameeyay kadib waxaan ogaaday inuu xiriir ka dhaxeeya labadaas arin laakiin idinka ayaan idiin daayay inaad soo baartaan taas, (home work)
Digniin adoo is leh yaan duqda ilmuhu kaaga ekaan intaad ka xanaajiso hoog hakuu dhasho caradiisa dadku dhuuntaan markay arkaan😁
Haddaba hadal iyo dhammaanti walaalaheyga somaliyeed intii aan hadhow ku calaacali lahayn, waligay waalidkay ma caasin cid ma dhibin qof noocaan ah fir iyo farac iima galin ee xaggee iiga yimid ilmahaan oo aad layaabi lahayd dhaqanka iyo dabeecadaha ilmahaaga, waa inaan ku dadaalnaa qurxinta iyo hagaajinta guriga si awlaad baari ah oo akhlaaq wanaagsan leh jaceyl iyo raxmadna ku jirto aan u helno,
Adoo tiin-tiin abuurtay inaad timir goosataa waa tu aan dhicine
U tashada sidaan teeda mudan tacab usoo saarno,
وما اصابكم من مصيبة فبما كسبت ايديكم
Wixii idinku dhaca oo dhibaata ah waa mid aad gacantiinna ku kasbateen(quraan)
Hadaba waxaa jira laba waxyaabood oo inta badan dadku isku qaldo waana qadarta iyo nasiibka,
Qadartu waa wixii ilaahay kuu qoray waxna kama badali kartid tusaale
Naag ayaad guursatay waad la aqal gashaay wixii shaqo kuu taalayna waad qabsatay lkn dadaalkaagii waxba kama soo naaso caddaan oo caruur waad weyday taasi waa qaddar ilaahay
Nasiibku waa waxa dadaalku ku gaarsiiyo
Tusaale hadaad iska seexato waxaad dhumisay nasiibkaaga marnaba isku saami noqon maayaan kan hurda iyo kan soo jeeda
اللهم بارك لأمتي في بكورها
Haddii qofku uu ku dadaali waayo caafimaadka jirkiisa uusan daryeelin nadaafadiisa uuna raaci waayo wadadii rasuulka iyo siduu iskaga ilaalin jiray jiroonyinka, oo uu markaas xanuusado ogow xanuunkaas asaga ayaa sabab u ah waana nasiibkiisa
الوقاية خير من العلاج
Waxaa sunno ah xaaskaaga Marka aad xaajo ka leedahay inaad waysaysato ducaysato shaydaankana iska naarto,
Waxaan oo dhan waxaa loo sunneeyay in meeshaas wax khayr qaba ka soo baxaan
Sidaa daraadeed waxaad saameyn ku yeelan kartaa nasiibka ilmahaaga qaddartuse waa xagga ilaahay
Wabilaahi towfiiq
¶W/Q Calinuur Cabdul Dhagabure
19 - 3
Yaa u kala sheekeeyay Digfeer iyo dadka?!
Maxay ku dhacday marka uu qofku Digfeer maqlo in uu soo xasuusto heesaha foorjada iyo ku daadiska ah? Maxay ku dhacday in uu moodo nin dumarka buufiya oo aan lahayn kal damqata? Yaa u kala sheekeeyay Digfeer iyo dadka?! Maxaa dumarka iyo Digfeer cadaawadda loo dhex dhigayaa? Maxaa dad aan is aqoon la iskugu dirayaa oo la is kaga horkeenayaa? Yaa yidhi Digfeer heesihiisa oo dhan waa ku daadis? Xaggee laga keenay warkaas?
Digfeer heesihiisu waxa ay u badan yihiin gardhigasho, catow, kalgacal iyo kuwo waayaha nolosha dabbaqaya. Waxa uu ka heesaa dareenno aan cid badani ka heesin oo jacayl ah. Waxa uu magaca Digfeer kula baxay heesta "Digfeer aawadaa galay" ee uu qaado. Digfeerka aan rabo in aad bartaan, waa ninka jacayl aawadii u gelaya cisbitaalka Digfeer. Waa cisbitaal caan ah oo Muqdisho ku yaal. Mar dhow ayaynu isaga markhaati gashan doonnaa oo afkiisa wax badan ka qaadi doonnaa.
Waxa looga yeedhayaa dayaxa iyo cadceedda. Waxa durbaan looga tumayaa daruuraha korkooda. Goobta iyo dariiqii uu marona waxa uu kula kulmayaa dabaylaha jacaylka iyo sarkadhabankooda oo ay deris noqdeen. Bal aynu afkiisa ka qaaddo Digfeer oo ina leh:
"Dayaxiyo cadceeddaa
Doraad layga yeedhoo
Daduuraha korkoodaa
Durbaan layga tumayee
Dariiqaan ka laabtana
Dabaylihi jacaylkaa
Igu soo degaayoo
Deris aannu noqonnee!"
Cid iyo ciirsi aan iyada ahayn in uusan haysan ayuu sheegayaa amaba se qof iyada la cayn ah oo ku indhokuusho in aanay dunida joogin. Waxa uu is waydiinayaa halka ay jirto Dahabadiisii! Bal aynu afkiisa ka qaadno Digfeer oo ina leh:
"Midaan daawado kale
Dunidaba ma joogtee
Meeday Dahabadaydii?"
Waa halkan meesha aan u soconnay ee uu magaca kula baxay. Waa uu dhaaranayaa! Doorkan la mid uun ayay u joogtaa. Waxa ay u joogtaa in uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo sidii uu heli lahaa dawadiisa ama se haddii uu ku hungoobo, iyada aawadeed inta uu istaaga ka duulo loo dhigi lahaa sariiraha cisbitaalka Digfeer! Bal aynu afkiisa ka qaadno Digfeer oo ina leh:
"Wallee dayrta maantaa
Ama daawadaa helay
Amase daalayoo dhacay
Digfeer aawadaa galay!"
Haddii aad taqiin Digfeer oo qab luqunta la taagaya oo leh:
"Wallee naag ma guursado
Wallee gabadh ma caashaqo
Wallee guri aan leeyahay
Foodda sooma geliyaan."
Waa kan Digfeer oo gorodda lulayaa oo si miskiinnimo ah u leh:
"Adigoo i neceb oon ogahay
Inaan kugu ag noolaado
Naftaydaa rabtoo!"
Qof aad ogtahay in uu ku neceb yahay, in ay naftaadu jeclaato ku ag noolaanshiyiisa waa arrin aad u adag. Ruuxa sidaa sameeyaanaa waa qof aanay shakhsiyaddiisu sahlanayn. Waana kan Digfeerka aan rabo in aan idin baro ee la idiin kala sheekeeyay.
Sidoo kale, shakhsiyadda cajiibka ahi waa ta ruuxii ay calmatay kolka ay waydo aan xumaan u qaban ee ayaaheeda ka fekerta. Qofka noocaas ahi waa qof dhiirran oo bulshada ku yar. Bal suureyso adiga oo ka shaqaynaya arooskii gacalisadaa oo nin kale la dadabgashay?! Waa wax aan dhicin! Bal suureyso adiga oo isagii ku waaninaya in aanu qofta dayacin oo uu koolkooliyo! Waa wax aan dhicin! Bal aynu afkiisa ka qaadono oo Digfeer ina leh:
"Ciiltire ku filan iyo
Noqo curad u kaca oo
Kala dirir cidhiidhiga
Caykaan rabay ma noqonine!"
Bal ka warran iyada oo ay talo kugu caddaatay oo ay kaa caywareegtay, oo eebada kalgacalku kashaada cusleysay in aad ruuxii sababta lahaa dantiisa ka shaqayso?! Bal ka warran iyada oo ay wax kasta kaala cuslaadaan Ceebla oohinteeda, caloolxumada haysa iyo isciilkaambigeeda uu ninka ay kaa raacday sabab u noqon karo?! Waa wax aan dhicin! Bal aynu afkiisa ka qaadno Digfeer oo ina leh:
"Iga cayn wareegtaye
Waxa igala sii culus
Ciibka oohinteediyo
Caloolxumada haysiyo
Isciilkaambigeedee!"
Habeenku waa xilliga la fekero ee waayaha adduunka wax la iska waydiiyo. Mar allee marka uu qofku sariirtiisa tago ee uu hurdo u holado, ayaa maankiisa waxa sida diirta u feenta dhacdooyinka adduunka. Hurdada ayuu hiifaa. Qof kastaa waxa uu si gaar ah uga sii fekeraa wixii markaa ugu daran ama ugu weyn. Il iyo baal isuma keeno wuu baaxaadeggaa. Waana xilliga mucaashaqiinta qalbigooda daleesha bannaan laga yeelay sida ugu daran u fekeraan. Dareenada jacaylka iyo caloolyowga iskugu milan ayaa kor iyo kal sida aboorka u xagta oo dhabanka ayaa dhulka u qaban waaya. Jacaylka ayaa sida qof kuula hadla! Bal in uu habaarqabo, waxa uu ku yidhaadhdaa "Hibo ayaa timi" oo uu kuugu bushaarayaa? Waa bushaaro dhanteed ah. Bal aynu afkiisa ka qaadno Digfeer oo ina leh:
"Xalay baan hurdada baas
Markii hoyga aan tegay
Halkay gogoshu ii tiil
Jacayl igu haleeloo
Bal inuu habaar qabo
Wuxuu yidhi Hibaa timi!"
Ogobeey, Digfeer oo weli ku jira caalamka habeenka, fekerka iyo lababogleynta aynu mar kale afkiisa ka qaadno erayadan:
"Markii uunku seexdaan
Ku ooyaa sariirtoo
Irriddaan fadhiistaa
Inta laga adimayoo
Waxaan eegayaa weli
Adigiyo Ilaahay!"
Bal ka warran qofka aad calmatay idinka oo isku ayni ah oo isku xilli dhashay? Bal ka warran iyada oo afar jir ah oo weli abaydin ah, hadhuubkii lagu habay ee caanaha lagu siiyay inyar oo hanbo ah oo ay ku reebtay in lagu siiyo oo lagugu aamusiyo! Bal ka warran jacaylka aad u qabto oo halkaa kaa soo raacay! Jacaylka adiga oo sebi ah aad ku canqartay ma aha mid cayaar ku tirmaya, si kasta oo ay waayaha noloshu isu beddelaan. Si kasta oo aad hubqaad u noqotid ma illowdid jacaylkii dhallaanimo. Waayo dhallaanka kashoodu waa saafi oo dareenka kalgacalka ah ee aad marxaladdaa ku qaaddaa waxa uu baaqi ku sii ahaadaa saafinimadii. Waa dareen dhalan ah oo dhibaato kasta oo ku soo waajahda tunkaad u ridan kartaa oo waad u adkaysan kartaa. Bal aynu afkiisa ka qaadno Digfeer oo ina leh:
"Isku ayni baan nahe
Afar sano adoo jira
Oo weli abaydina
Aagaankii caanaha
Ayaan lagugu siiyay
Inyaroo ku soo hadhay
Ood adigu reebtaa
Laygu aamusiiyee,
Sidaa aawadeed baan
Ku canqaray jacaylkoo
Markuu igu abuurmiyo
Hadda oon aroos iyo
Naag iyo aqal ku filanahay
Aafadii jacaylkaan
Ku adkaysan jirayeey
Ina'abti macaaneey!"
Allaa magane, Digfeer oo weli ku jira caalamka uu ka soo unkamo jacaylka sebigu waa kan ina leh:
"Hadda iyo habeenkii
Hadal barashadeennii
Heliddaada mooyee
Hawo kale kumaan jirin."
Maxaa keenaa qof naftiisa kaa jecel oo kuu dan sheegtay in aad ku gacansaydho? Maxaad ka faa'idaysaa haddii dartaa ciidda loogu rogo? Ma marka uu dhinto ayaad hilibkiisa cunaysaa? Ifka haddii wax la is tari waayo ma aakhiro ayaa aboorka la iska celinayaa? Waa su'aalo adag Digfeerow, oo in lagu dhiirradaa aanay sahal ahayn. Se hal mid uun baan ogahay. Waxaan ogahay in jacaylku ka bilaabmo dookh oo waa sababta aad u jeceshahay, iyadana aanay danta iyo heellada kaaga lahayn. Waxaan kaloo ogahay in dookhu yahay jidka cadaabta loo maro! Iga raalli noqo. Waan kaa dhabqiyay Digfeerow ee ku soco erayadii uurkutaallada iyo wada caloolyowga badnaa:
"Alla huunno gacalooy
Hoobal caana baan ahay
Kuu hawla sheegtee
Hadduu horor i qaadoo
Aan u hoydo aakhiroo
Hilibkayga maad cuni?"
"Haddaad tahay qof hiil gala
Kala garan haa iyo mayaa
Ifka lamahuraankaa
Haddaad hawsha ila qaban
Aakhiro maxaad heli?"
Gunaanadkii, waa in Digfeer iyo dadka la is baraa. Waa in aan loo kala sheekayna ee ay wada sheekaystaan. Waa in laga bartaa gardhigashada, kalgacalka, calaalalka iyo heesaha waayaha nolosha ka warrama. Digfeer, dhan kasta oo nolosha ah qofka waa uu ku meteli karaa. Tusaale, qof kasta oo ay jeeb madhnaan la soo deristo waxa uu dhegaysan karaa meerisyadan:
"Allahayow nin jeeb madhan
Ka janjeedho xaajadu
Caawimaadda jecelaa."
Sidoo kale, waxaan maanta dhegaysanayay hees aan aad ula dhacay oo ay meerisyadeeda ka mid ahaayeen:
"Dunidan la is wada naciyo
Waayahan naanaysta badan
Nasteexo adoon lahayn
Dhibaatada kaaga naxaa."
Qalinkii. Maxamed faarax
69 - 10
Heesihii Qaaraamiga ahaa badankooda waxaa loo wada sameysty Copyright ma aqaan cidda ku xiratay inay yihiin dadkii lahaa iyo kuwo kale sababtoo ah details ka ku qoran lahaanshahooda waa mid kooban maadaama uu yahay copyright koodu copyright claim waxaana inta badan ku qoran company ga u sameeyey copyright ka haba ugu badnaado company la dhaho #interstreet_recording in kastoo aan ku arkay heesaha xasan aadan samatar qaarkood magaca burhaan xasan oon u maleynayo in legend xasan aadan dhalay ma aqaan sababta ka danbeysa waxaanse u maleynayaa inay tahay duulaan lagu soo qaaday fanka Soomaalida,
Waxaan go'aansaday inaan ka saaro halkaan ku dhawaad 36 heesood oo loo sameysty Copyright dhawaan waliba bishaan December gudaheeda,
hadaba yaad isleedihiin wey ka danbeeyaan howshaan copyright ka lagu wada xirtay heesihii hore mase jiraa qof wax ka og arrintaas,
waad ku mahadsantihiin dhammaan akhyaarta aan halkaan midowney
30 - 15
Mullaxankii Heesta “Hooyooy la’aantaa” oo geeriyooday.
Alle ha janneeyo Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) oo geeriyooday , Xasan oo sannadkii 1941 ku dhashay Dhuusamareeb, wuxuu door weyn ka soo qaatay geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957 oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho isla markaana uu ku heesay laxanka qaraamka ah ee Laac ee uu allifay Cabdullaahi Maxamuud Maxamed (Qarshe) laxankaas oo ka mid ahaa heesihii lagu tartami jiray Radio Muqdisho. Ka dibna wuxuu bartay tumista Giitarka ilaa sannadkii 1968 uu hirgalay laxankiisu markii uu laxameeyey heeso ku jiray riwaayaddii “ Talo iyo Tallaabo” ee uu curiyey Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg).
Sidoo kale Xasan wuxuu laxameeyey heeso iyo riwaayado tiro badan sida, Heesta Hooyo, Dhoof oo ku jirtay riwaayaddii hawaalnaado jaceylku ee Maxamed Cali kaariye allifay, Ninna waal ninna waani oo uu Xasan Qawdhan allifay, heesta gurysamo, sida haro-gimgiman iyo heeso kale oo ay ka mid tahay heesta” Ma hayoo mana sugaayo” ee Xasan Aadan qaaday, Sida cinabka beeraha, taariikhdu waa buug, sida haro-gimgiman iyo kuwa kale oo ay ka mid tahay xurmo daran.
Xasan Gareyt oo hooyadii Xaliimo Siyaad Xuurdaab ay u bixisay Xasan Garaad, waa tiirweyn oo fanka Soomaalida door laxaadleh ka soo qaatay, isaga iyo inta la midka ah waxay inaga mudanyihiin ka warhayn, daryeel iyo in markasta lala dareen ahaado.
45 - 4
Waa Tee Heesta ugu laxanka Macaan Heesaha Somalida inta aad dhagaysatay/daawatay? Nala wadaag mid iyo wax ka badan. Mahadsinidiin.
7 - 1
#QAARAAMI #QAACI #HEESO_XUL_AH
GEEDI SHAAMBOW STUDIO HOYGA HEESAHA HIRGALAY HEESO QORAN ERAYO SHARAXAN KOBCI AQOONTAADA AFKA HOOYO OO NAGULA CAWEE HALKAAN SUBSCRIBE SAARO GANBALEELKANA FURO SI AAD HADIIBA U HESHO MUUQAALADA CUSUB EE HALAKAN SOO GALINO MAHADSANIDIN
WIXII TALO IYO TUSAALE AH WAXAAD NAGALA SOO XIRIIRI KARTAA WHATSAP
+27688649079
WAXAAN GACMO FURAN KU SOO DHAWAYNAYNAA CID KASTA OO GACAN NAGA SII KARTA KAYDINTA IYO SOO GUDBINTA SUUGAANTA SOOMAALIYEED
QOFTA KASTA OO WUXUUN NAGU SIYAADIN KARA FADLAN NAGALA SOO XIRIIRA
Whatsapp
south africa +27688649079
Somalia +25297650065
America +17153883390
WAAD MAHADSANTIHIIN DHAMMAANTIIN BULSHADA SOOMAALIYEED
SUBSCRIBE SAARO CHANNALKA SI AAN KUUGU MAAWEELINO SUUGAAN DHILDHILAN OO AAN LAGA GAYOONEYN
morning