Channel Avatar

Qaamuus @UC_hj9gKumnw5vnw-3XFA-nw@youtube.com

174K subscribers - no pronouns :c

QAAMUUS Waa Kanaal Kaa Haqab Tiri Doona Xogaha Qarsoon Ee Du


Welcoem to posts!!

in the future - u will be able to do some more stuff here,,,!! like pat catgirl- i mean um yeah... for now u can only see others's posts :c

Qaamuus
Posted 3 weeks ago

La soco Berri 4:30pm saacadda Geeska Afrika qaybtii labaad ee Qisada "Afartii Qorshe ee fashilmay ee la doonayay in lagula baxo Maydka Nabi Muxammed NNKHA iyo sidii Ilaahay SWT uga badbaadiyey kuwa kusoo duulay.

152 - 7

Qaamuus
Posted 1 month ago

Xikmadda Caawa
1. Wanaagga: – Wanaagga ninku waa raganimada, Wanaagga gabadhuna waa hooyonimada, Wanaagga ubadku waa baarrinimada, Wanaagga habeenkuna waa xasiloonida.

2. Luuqadda ugu xoogga badan dunida maantu waa aamuska.

3. Farriinta ugu saamaynta badani waa ilmada (Oohinta).

4. Ku talax tagga (Ku fogaanshiyaha arrimaha qaar): – Jileeca oo aad ku talax tagtaa waa liidasho, Qosolka oo aad ku talax tagtaa waa xaqiraad, Raaxaysiga oo aad ku talax tagtaa waa fadhiidnimo. Digtoonida oo aad ku talax tagtaa waa shaki, hinaasaha oo aad ku talax tagtaa waa waalli.

5. Karaamada ugu weyn ee qof lagu sheegaa waa edebta.

6. Kelmada ugu adag ee lagu dhawaaqaa waa dhamaystirnaanta.

7. Ereyga ugu macaan ee dhego maqlaan waa nabadda.

8. Ereyga ugu dambeeya adduunku waa geeri.

9. Aarsiga ugu fiicani waa cafiska.

10. Dabka ugu kulul ee qof gubaa waa xiisaha.

11. Cadaabta ugu kulul waa ta damiirka.

12. Jacaylka ugu wanaagsani waa ka bilowda guurka dabadii (Jacaylka xaaskaaga ama saygaaga)

13. Cilmi ka ugu sarreeyaa waa qofka oo ku istaaga halka ay aqoontiisu dhab ahaan joogto. (Waxa aanu aqoonta u lahayn ka joogsada.

14. Dadnimada: – Dadnimo waxa ugu fiican wejigaaga oo aad dhawrato, adduunyadana u aragto in ay tahay keliya xisaab, maanta u qaado duruus iyo cibro aad wax ku qaadato, shalayna khibrad iyo waayo aragnimo ka qaado. Aragtida aad gudbinsayo iyo fikirkaaga ka fiirso, waayo berri ayey noqonayaan ficil, la mahadiyo ama la qoomameeyo. Ficilladaada ka fiirso, berri ayey caado u noqonayaan ubadkaaga iyo inta aad xidigga u tahay.
(Aqoonyahan Kamaal Axmed Cali)

152 - 4

Qaamuus
Posted 1 month ago

Maxaad Ka Taqaan Inta Dhul-mareen ee soo Booqday Dhulka Soomaalida?

1. Al-Yacquubi wuxuu soo booqday geeska Afrika qarnigii 9-aad.
2. Al-Mascuudi wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 933-kii c.d.
3. Al-Istakhri wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 960-kii c.d.
4. Ibnu-Howgal wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 977-kii c.d.
5. Al-Baruuni wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1030-kii c.d.
6. Al-Idriisi wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1154-kii c.d.
7. Al-Yaaquuti wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1226-kii c.d.
8. Ibnu-Batuuta wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1331-kii c.d.
9. Al-Haaruuni wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1334-kii c.d.
10. Ibnu-Siciid wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1344-kii c.d.

100 - 12