Ereyga Ballaysinka:
Waa 1dii Juun, 2020ka iyo Hargeysa. hoyga Fanka, Suugaanta iyo Murtida. Waa madal kale oo ku soo biirtay Barihii Ijtimaaciga ahaa ee hore u jiray. Waxaan u holladay in aan idin kula wadaago sugantida sawraca iyo baadi-soocda badan ee aan hayo, keydinayay ama immika wixii ka danbeeyaba curin doono ama ururin doonaba. Ma aha fikrad aniga iga timid bal se waa mid ay ii la yimaaddeen inta aanu baraha bulshada bah-wadaagta ku nahay. Markii ay ka wadi waayeen ayay qasab igu noqotay in aan ka oggolaado. Aniga qudheyda fikraddu igama madhnayn e’ cid igu riixda ayaan u baahnaa. Isla doonasho Ilaah.
Waa sidii Cabdi Sinimoo u yidhi:
“Wixii qoran baa, quruumo hadhee, muxuu hadal qaayo leeyahay,”
Daah-furka madashan ugama gol lihi in aan qoraalka iyo dhigaalka ku wiiqo bal se waxaan u holladay in aan ku dhiirri-geliyo. Waxaan u jeedaa in ay daawashada koobani dhandhamo idiin noqoto si’ ay idiin ku hoggaamiso dheregga iyo dhaxalka dhigaalku leeyahay.