Hargeisay ha dheeyilin
Hargeisay ha dheeliyin.
Ha dhantaalmin waligaa.
Dhulku Eebe doortaad.
Dhulku Eebe doortaad.
Dhalashada Ku raacdoo.
Xaramkaad ku dhowdahay.
Dhaqanka iyo diintoo.
Waxaad dhiig ku leedahay.
Dhoobada Madiinoo.
Dhuuxiyo laftaada.
Lagu dheehay khayroo.
Weliyaa Dhiskaagiyo.
Dhidibkaaga taagoo.
Hargeisay ha dheeliyin.
Ha dhantaalmin weligaa.
Biyahaagu waa dheef.
Dhuuniga sidisoo.
Dabayshaada dhabataa.
Cudurada dhirbaaxdoo.
Dhaxaniyo ma lihid baraf.
Kugusoo dhacaayo.
Dhadadaadu waa roob.
Dharab dooga bixiyee.
Dhidid iyo kulayl ma leh.
Milicdaada dheeriye.
Hargeisay Hargeisay Hargeisay.
Codkii: Sahra Ahmed Jamac. AHU.
Ereyadii: Abwaan Abdi Adan Xaad "Cabdi Qays"
Viva. Somaliland Republic Viva
Somaliland Jiir & Joog