Channel Avatar

VOS SOMALI TV @UCCmy5DusUHwYV3haTDpy3gw@youtube.com

6.3K subscribers - no pronouns :c

VOSTV Waa Warbaahin Madax-banaan ,si gaar ah-na loo leeyahay


Welcoem to posts!!

in the future - u will be able to do some more stuff here,,,!! like pat catgirl- i mean um yeah... for now u can only see others's posts :c

VOS SOMALI TV
Posted 5 years ago

MADAXWEYNE FARMAAJO "WAA IN DEGDEG LOO JOOJIYAA DIRIRTA SOKEEYE EE KA SOCOTA CEEL-AFWEN"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

"Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

DHAMMAAD

1 - 0

VOS SOMALI TV
Posted 5 years ago

Soo dhaweynta R.Kheyre ee kismayo.

1 - 0

VOS SOMALI TV
Posted 5 years ago

Maamulka Koonfur galbeed oo Ka Hadlay xaalada Magaalada.
Linkiga Hoose Ka Daawo .

m.facebook.com/story.php?story_fbid=27750899296776…

0 - 0

VOS SOMALI TV
Posted 5 years ago

Insha Allah Dhawaan waxaan bilaawo doona Barnaamijyo iyo Warar Ku saabsan caalmka iyo somaliyaba ,Filimaan hindi maraykan iyo musalsalo ba Hamoogaan Like Share Subscribe iyo Comment.

2 - 0