Channel Avatar

DHAAYOMAAL TV @UC9xJ3cIWtiZz7ah4QTsrglg@youtube.com

22K subscribers - no pronouns :c

More from this channel (soon)


Welcoem to posts!!

in the future - u will be able to do some more stuff here,,,!! like pat catgirl- i mean um yeah... for now u can only see others's posts :c

DHAAYOMAAL TV
Posted 5 days ago

Xalka Geeska Afrika waa in beesha caalamka aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Geeska Afrika ayaa waajahaya xasilooni daro baahsan hadaan Beesha Caalamka garwaaqsan Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taala meel istaraatiyad u ah isku socodka Aduunka ee Baabal Mandab.waxaana muuqata in saamayn ku yeesheen isku socodka bada cas oo Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameed ka dhigteen maraakiibta maraya Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab,

Waxa la gaadhay wakhtigii beesha aanay indhahaka qarsan karin aqoonsiga Somaliland madaamada Somaliland u udub dhexaad u tahay isku socodka Marinka badda ee Babal Mandab.

Kobaca dhaqaale ee bariga dhexe waxa uu saameeyaa xasilooni darada bariga dhexe. Inkasta oo dagaalkani uu saamayn taban ku leeyahay kobaca dhaqaalaha, sicir-bararka iyo shaqo la’aanta, gaar ahaan meelaha dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee gobolka, haddana dhaqaale xooggan, gaar ahaan Khaliijka, waxa uu ka hortagi karaa dhibaatooyinkaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo xasilloonida. ee dalka. gobolka. Haddii ay sii socoto dhibaatada badda cas.

Marka la eego kobaca dhaqaale ee Geeska Afrika, dagaalladu waxay saamayn karaan kobaca dhaqaale ee qaarada Afrika.

Siyaasiga: Axmed Cabdale Digaale.

#dhaayomaal

76 - 12

DHAAYOMAAL TV
Posted 6 days ago

In Golahu shaqeeyo iyo in fasax la galiyo cod haloo qaado..!!!!

Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa cod u qaaday inay qaranka u shaqeeyaan iyo in fasax la galiyo si ay fursad ugu helaan danahooda siyaasiga waqtiga ololaha Doorashada.

Waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in golaha la fasaxo oo kalfadhigii socdayna halka lagu handaraabo iyo masuuliyadii umadda ee loo dhaariyayba! Waayo danta qaranka waxa kala qiimo badan danta ururka ama xisbiga uu ka mid yahay si uu waqti ugu helo ololaha siyaasada ilaa 13 Nov, 2024.

Kuwani waa Xil ma-dhibaano..!!

#dhaayomaal

38 - 12

DHAAYOMAAL TV
Posted 1 week ago

7 urur Siyaasadeed ayaa ka qeyb gelin doona doorashada dalkan ka dhici doonta 60 cisho kadib.

Todobadan urur ayaa kala ah

1. Ururka Barwaaqo
2. Ururka Talo Wadaag
3. Ururka Rajo
4. Ururka Shacabka
5. Ururka KAAH
6. Ururka Hilaac
7. Ururka Horseed

18 - 0

DHAAYOMAAL TV
Posted 2 weeks ago

Beesha Arab Codkooda iyo Cududooda waxa ay La Garab Taagan Yihiin Mujaahid Cabdillaahi Xuseen iimaan (Cabdilaahi Darawal ) Raga Wadani Tagayna Way soo Noqon doonaa

Arab Iyo Waddani Way kala dhaqaaqeen mana Jirto Meel beesha Arab Waddani Ku Raaceen Wasiiro Hore Iyo siyaasiyiin Fashilmay ayaa wadani tagay

Beesha Arab dhamaan Waxa ay codkooda Cudooda iyo Hantidooda U Hurayaan ururka Horseed Cid kastoo Wadani tagtaa Beesha Arab ma Matasho

Anigoo Ah Aqoon Yahan Farxaan xasan Waxaana Beesha Arab Leeyahay Godobtii xisviga waddani Gudoomiyaha ururka Inoogu diiday maanta Way Joogtaa Markaas arabka Wadani tagayna Waa siyaasiyiin Fashilmay

Dhamaan Beesha Arab waxa ay Ku Daba fayleen Cabdilaahi Darawal Ururkiisa Ayay dhisayaan Raga Arab ayaa waddani tagay Leh Hays Hubsadaan

"Qoontiiba Lama Baanane Qaan yaraa nabadu"

Arab Waa cabdilaahi darawal Arab Waa Horseed Arab Wadani tagayna Majiro

Farxaan Xasan Axmed Ayaa Xuquuqda Qoraalkan Qoray.

68 - 6

DHAAYOMAAL TV
Posted 2 weeks ago

Dadkii Cadawga la shaqayn jiray ee mukarafoon ahaan u isticmaali jiray yarka la xidhay ayaa Mustafe Mustafe M Qodax weeraray maanta markuu ka hadlay wax wada run ah oo aanay ku beenin karin.

Mustafe waxay ku dhalilayeen inuu Xamar tagay laakiin way beenin kari waayeen wixii uu Maxamed Abiib ka sheegay.

Waa run Mustafe Xamar wuu tegay markii uu Isagoo Muqdisho jooga uu hadana Dawladii Farmaajo la dagaalami jiray kuwa maanta erayanayaa waxay la socdeen Farmaajo, Mustafe oo gudaha Muqdisho ka dagaalamayana waxay ku sheegi jireen Heego because ayagu Farmaajo ayey la socdeen oo ay doonayeen inuu Somaliland dagaalkeeda ku guulaysto

Mustafe isagoo Somaliland halkaa uga dagaalamayey oo naftiisa ku khamaaray hadana inuu Muqdisho tago inay khalad wuu sheegay Dadka Reer Somaliland & Dawlada labadaba wuxuu ka codsaday cafis.

Hadaba kuwa Mustafe haystoow waxaa markhaati ma doon ah in idinkoo gudaha Somaliland jooga aad ku xidhantiin Xamarta Mustafe uu ka badheedhay oo aad Cadaw ku tihiin Dadkiina & Dalkiina cadaymihiina la wada hayo.

Waan hubaa Musafe & Qof kasta oo isku kalsoon oo runta ka hadlaya inaydaan la doodi karin oo hadana aydaan ku beenin karin mawduuca uu ka hadlayo laakiin dariiqa kaliya ee idiin furani waa inaa caytantaan ama Shaqsiyada Qofka weerartaan taasna waxaa ogaataan inaydaan ku aamisiin karin ee ay shidaal u noqon doonto s8 joogta ahna uu uga hadli doono wax badan oo uu hore isu dhaafin jiray.

Allahayoow Nin Daacad ah
Allahayaw Nin Daallin ah
Deeqdaada ha u simin.

#mustafe_qodax_iyo_maxamed_abiib
#dhaayomaal

62 - 0

DHAAYOMAAL TV
Posted 4 weeks ago

Safarka Madaxweynuhu, wuxuu soo bandhigay in Shacabka bariga & Siyaasiyiitooda Mucaaradka Ahi Aanay Wada Soconin !!

Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo, ayaa 11-kii bishan August 2024, wuxuu safar shaqo uga bilabmay gobolka Saaxil.

Madaxweynaha oo safarkiisa si weyn isha loogu hayo, ayaa waxa ku wehelinaya madaxda sare ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo aynu ka xusi karno Guddoomiyaha Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, ku-xigeenka koowaad Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka 4-aad Maxamed Sacad Saajin, ahna Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Madaxweyne Biixi ku lamaan teeramkiisa labaad & xubno kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha oo safarkiisa laba ujeeddo bud-dhig u yihiin, ayaa muddo 12 Maalmood ah isku maray gobollada Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh, Qori-lugud oo Buuhoodle ka mid ah, Oog oo Gobolka Saraar ah, degmooyinka galbeedka Sanaag, illaa uu gaadhay Ceerigaabo oo ah Magaalo Madaxda Gobolkaas ah.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo socdaalkoodu kuwii hore kaga duwan yahay inuu soo taabto xaqiiqada deegaannadaa ka jirta, ayaa dadweynaha ku nool dhulka uu maray wuxuu kala kulmay soo dhaweyn iyo niyad-wanaag uu Madaxweynuhu ka mahad-celiyey.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku kaaftoomin muuqaallada quruxda badan ee soo dhaweynta loogu sameeyay deegaannada uu maray, ayaa degaan kasta wuxuu shir gaar ah la yeeshay waxgaradka iyo waayeelka ku nool, waxaanu xog-warran kala yeeshay xaaladdooda, ta deegaanka & ta guud ee dalka marka ay tahay doorashada soo socota iyo xaaladda colaadeed ee ay abuureen kooxaha huwanta ahi, iyadoo dadkaa aragtidooda la weelaynayo.

Si gaar ah, safarkani wuxuu meesha ka saaray sawir ay mucaaradku u yeeleen shacabka gobollada bariga.

Tusaale ahaan, gobollada bariga waxa hore looga soo sheegi jiray warar aan u wanaagsanayn Xukuumadda Kulmiye, iyadoo weriyeyaasha uu Mucaaradku adeegsadaa ay dad gaar ah oo bariga ku sugan uga soo duubi jireen hadallo qofka aan xaqiiqada ogayni u fahmayo inaan Xisbul-xaakimku taageerayaal ku lahayn gobollada bariga, balse safarka Madaxweynaha, ayaa dibedda u soo saaray in siyaasiyiinta iyo shacabka gobollada barigu aanay wada socon, dadweynuhuna garab taagan yihiin Xukuumadda & Xisbigeeda, halka siyaasiyiinta mucaaradka aanay waxba gacmaha ugu jirin, laakiin ay shacabka ka maamulaan dhanka Warbaahinta, maaddaama oo ay caadifad iyo qabyaalad gurracan adeegsadaan.

Aragtidaa waxaynu tusaale uga dhigan karnaa hadalladii ay jeediyeen Waxgaradka deegaanada Madaxweynaha lagu soo dhaweyay.

Hadalladaa waxa ka mid ahaa "Madaxweyne, cid wax iska celiya tidhaahdaba maanu arag, markaa adiga ayaanu mar kale kuugu celinaynaa.." kaasi oo uu sheegay mid ka mid ah waayeelka Sanaag.

Madax-dhaqameed ka hadlay deegaanka Yufle ee gobolka Sanaag, ayaa isaguna yidhi "Anigoo ka wakiil ah Suldaanka guud ee Beesha HJ, mar kale ayaanu kuu codaynaynaaa.."

Hadallan ayaa tusaale u noqonaya in Madaxweynaha iyo Shacabka gobollada bariga loo kala sheekeeyay, hadda'se ay jaanta isla heleen.

Aragti gaar ah.
W/Q: Cabdiqaadir A. Carab.

68 - 0

DHAAYOMAAL TV
Posted 2 months ago

Halkee Ganacsatada iyo Xisbiga WADDANI Iska Seegeen?.

Waa hubaal in doorashada madaxtooyada iyo ururadda siyaasadda Somaliland ee soo socota ay tahay tii ugu weynayd ee abid ina soo marta.

Waxaynu ognahay oo aan daah iyo caad inaga saarnayn in dalal ay ka mid yahiin Qatar, Turkiga, Jibouti iyo Soomaaliya ay doonayaan inay mood iyo noolba ku bixiyaan sidii doorashada looga adkaan lahaa xisbiga xukuumadda ee Kulmiye.

Waxaa jirta lacago door ah oo dalalkaasi ugu yabooheen murashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, laakiin culaysku wuxuu ka jira sida lacag qadarkaasi ah loo soo galin kara Somaliland.

Ogaalkay xisbiga WADDANI wuxuu ganacsatada qaarkood ka codsaday inay lacagaha ka siiyan gudaha Somaliland, iyagoo dul-saar faa’iido lehna ay dalalka ka qaatan.

Ganacsatadaasi oo ay ka mid yahiin Jaamac Oomaar Seed, Shariikadaha Telesom iyo Dahabshiil, Maxamed Aw Siciid way diideen inay lacagaha siiyan, sababtuna ay tahay iyagoo ka baqaya inay laftigoodu khatar ku galaan (Money Laundry).

Waa laga yaaba in maalintii dhawayd dhegta wax loo saaray uu sii daayay ileen waa murashax Cirro eh, laakiin colaadu way ka horaysay maalintan dhaw.

Marka cadho ka kacday taasi ayuu Murashax Cirro kula dul dhacay.

Tallada aan soo jeedinaya waxay tahay yaan Murashaxa lagu talax tagin ragbu iska celinayaaye.

Qore Suxufi Mohamed Cabdi Hassan Diridhaba

11 - 3

DHAAYOMAAL TV
Posted 2 months ago

Faysal Rooble oo ka mid ahaa Dadka Somaliland Dagaalka weyn ee dublamaasiyadeed kula jiray oo hada quus taagan ayaan idiin soo turjumay hadalkiisiiye hoosta ka akhrista.

Faysal wuxuu qoray qoraalka af Ingiriisiga ah ee sawiriiisa ku dhajisan waxaanu yidhi.....

Itoobiya waa Dal qudhmay, waxaanay ku socotaa in kacddoon taariikhda galaa kadhaco. Somalia haka faa’iidaysato fursaddaa, oo ha hubayso qoomiyadaha si looga takhaluso xukuumadda Abiy.

Waxaanu Itoobiya u leenahay Qorshayaal ah A, B iyo C.

Sidaa waxaa yidhi Faisal Roble 3rd June .

#dhaayomaaltv

9 - 4

DHAAYOMAAL TV
Posted 3 months ago

Wakiilka JSL u fadhiya Maraykanka iyo Canada, Bashiir Sh. Cumar Good ayaa sheegay in Somaliland aanay ka caajisayn sidii ay u heli lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed, waxaanu caddeeyay in aanay hawl yarayn inaad metasho dal aan la aqoonsayn.



Bashiir Good wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay Washington Diplomat oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Danjiruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo aan dib u noqosho ku jirin.



Waxa kaloo uu xusay in Somaliland ay ku samrayso wadahadallada ay la yeellanayso dal-wrynaha Maraykanku, waxaa kale oo uu iftiimiyey in ummada Somaliland ay aqoonsi la'aan u soo dul qaadatay 33 sannadood isla markaana ay diyaar u tahay haddii wakhtigu dheeraado.



Danjire Bashiir wuxuu ugu baaqay caalamka inay ku bogaadiyaan Somaliland doorka ay ka ciyaarayso mandaqada Geeska Afrika.



Wakiilku wuxuu sheegay in danta Maraykanku ay ku jirto inuu taageero Somaliland oo ah dal xasiloon oo nabadgelyo ah, isla markaana dimuqraadi ah oo ku yaalla Geeska Afrika, waxaanu caraabay inay Somaliland jeceshahay in Maraykanku ku soo laabto dekedda Berbera.



Bashiir Good wuxuu sheegay in Somaliland la aqoonsaday 64 sanno ka hor, xilligaas oo ay madax-bannaanideeda ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, hase ahaatee ay maalmo ka dib la midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray ee wakhtigan la yidhaahdo Soomaaliya. Waxaanu midowgaasi ku tilmaamay mid ‘masiibo ahaa’ isagoo intaas ku daray in ay Somaliland madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay 18kii May 1991kii.


#bashiirsh.cumargood
#dhaayomaal

30 - 2

DHAAYOMAAL TV
Posted 3 months ago

Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani Oo ah taliyaha Ciidamada Milatariga somaliland Ayaa EU-du Siisay Kuna Sharaftay bilad Geesiga Ugu wanaagsan sandakan 2024ka. Nuux ismaaciil Taani ayaa sidoo kale ayaa EU-du Siisay Inuu Noqday Taliyaha ugu hogaaminta Fiican aduunka iyadoo si gaar ah loogu tixgaliyey kaartada cilmiyeysan ee uu ciidanka qaranka ee Somaliland kaga soo Samato Bixiyay Xasaradihii Laas-Caanood iyo sida loo badbaadiyey shicibka reer Sool ee Laas-Caanood ee Somaliland. Sidee ayaad u aragtaa?

#dhaayomaal

63 - 3